Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Weerarada Al-Shabaab Ee Kusii Xoogeysanaya Gobalka Lamu.(Warbixin)
Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujinaysa weerarada sii xoogeysanaya ee ay mujaahidiinta alshabaab ka geysanayaan gudaha wadankaasi.
Weeraro is xigxigay oo billaawgii bishaan ka dhacay gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu ayaa muran iyo ismariwaa ka dhax abuuray mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha booliska ee dowladda Kenya.
Illaa sedax weerar oo dhiig badan looga daadiyay dadka kenyaanka nasaarada ah ayaa dhacay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay iyo horraantii bishan, waxayna weeraradaas ay sare usii qaadeen rucbigii ay qabeen dadka nasaarada ee lagu deegaameeyay gobolka Lamu.
Weerarka hore wuxuu dhacay xilli dadka gaalada ah udabaal degayeen waxa loogu yeero ciidda miilaadiga, halka weerarka kale uu dhacay maalmihii lagu mashquulsanaa dabaaldegga sanadda 2023.
Saraakiisha amniga waxay sheegeen in illaa 4 qof ay ku dhinteen weeraradaan, islamarkana la burburiyay hanti ubadan gaadiid iyo guryo dhammaantood ku yiillay gobolka Lamu ee ay dowladda Kenya xoogga kaga heysato dadka Muslimiinta ah.
Warbixinno rasmi ah oo kasoo baxay talisyada booliska gobolka ayaa lagu sheegay, in weeraradan oo ay ka dambeeyeen dagaalyahanno katirsan Alshabaab ay beegsanayeen, tuulooyinka iyo deegaannada ay deganyihiin dadka Kenyaanka ee loo loola jeedo kuwa Nasaarada ah.
Irungu Macharia oo ah guddoomiyaha Lamu ee waqtigiisu sii idlaanayo ayaa muujiyay sida uu uga niyad jabsanyahay in uu xilka ka dego iyadoo amniga gobolka uu faraha kasii baxayo islamarkaana ay muwaadiniinta kenyaanka ah awoodin in ay si nabad gelya ah isaga kala gooshaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka.
Mas’uuliyiinta ammaanka dalka Kenya ayaa ku doodaya in goobaha ay ku badanyihiin weerarada mujahaidiinta ay yihiin deegaanada ay ka jiraan murunnada dhanka dhulalka, inta badan weeraradii dambe waxay ka dhaceen deegaannada Witu iyo Mpeketoni.
Saraakiisha Kenya waxay aaminsanyihiin in dadka muslimiinta ee dhulalkooda ay xoogga ku qabsadeen muxtaliiyiinta kenyaanka nasaarada ah ay wadashaqeyn laleeyihiin Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna fududeeyaan weeraradooda sida ay hadalka udhigayaan.
Intabadan muslimiinta gobolka Lamu ee dhulalkoodi ay boobeen gaalada deegaamaysiga lagu geeyay mandiqadda ayaa aaminsan in ay ku jiraan gummeysi dadbadan.
Ciidamada Alshabaab ayaa dhowr jeer beegsaday gaadiid basas ah oo ku socdaalayay gobolka Lamu kadibna waxay kala saareen dadkii gaadiidka lasocday, kuwii gaalada ahaa ayaa ladilay halka kuwii muslimiinta ahaa markii lagu aqoonsaday kalimadda Towxiidka lasii daayay.
Mandiqadda Mpeketoni ayaa sanadihii 2014 illaa 2015 masrax u aheyd, weeraro laayaan ah oo lagu beegsaday saraakiisha booliska kenya iyo dadka deegaameysiga lagu dejiyay gobolkan.
Mas’uuliyiin katirsan laamaha ammaanka ayaa booqday deegaannada Bandaguwa iyo wiitu, waxayna soo xaqiijiyeen in halkaas lagu dilay illaa 2 ruux oo kirishtaan ah, mas’uuliyiintu waxay weerarkan ku eedeeyeen Mujaahidiinta Al-Shabaab, qof goob jooge ah oo ka badbaaday weeraradan taxana ah ayaa usheegay in baaryaasha booliska in illaa 8 dagaalyahan oo xiran dareeska ciidanka ay xoog ku galeen gurigooda, kadibna ay rasaas madaxa kala dhaceen nin lagu magacaabo manwaaza oo 35 sana jir ahaa.
Dagaalyahannada ayaa udhacay gurigii xigay waxayna halkaas ka fuliyeen howlgal qorshaysan oo markii dambe sababay dhimashada Raay Roomba oo ahaa Kenyaan Nasraani ah oo beer iyo guryo ku lahaa Lamu, intii uu weerarku socday waxaa laburburiyay guri uu Bandanguwa ku lahaa Kaahndi Maanji oo kamid ah saraakiisha ciidanka keydka ee booliska Kenya.
Kadib 11 sanadood oo ciidanka Kenya ay duullaan gardarra ah ku joogaan dalka Soomaaliya ayay Mujaahidiinta Al-Shabaab howlgallo fariid ah ka wadaan qaar badan oo katirsan gobollada dalka Kenya.
Horraantii bishan mas’uliyiin kenyaan ah waxay sheegeen in ay fashiliyeen weerar lagu qafaalan rabay 2 qof oo Itaaliyaan ah, xilli ay ku sugnaayeen magaalada loo dalxiiska tago ee Milindi, sheegashadaas ayay mucaaradku u arkaan isku day kale oo xukuumada Nairobi ay indhaha bulshada iyo warbaahinta uga leexinayso ammaan darrada ka jirta gobolka Lamu.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Walaaca Dowladda Kenya Ee Amaan Darrida Ka Jirta Lamu.