Maleeshiyaadka TPLF Oo Maanta Si Toos Ah Fuliyay Heshiiskii Hub Ka Dhigista.(Warbixin)
Maanta oo Arbaco ah Waxaa si rasmi ah u billaabatay hub ka dhihista Maleeshiyaadka Fallaagada ah ee TPLF, kadib heshiiskii ay xukuumadda Xabashida Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ku wada gaareen Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa, kaas oo qodobadii lagu heshiiyay ay kamid aheyd hubka dhigista ay maanta billaabeen Maleeshiyaadka Tigreega.
Hubka ay dhigtay kooxda TPLF ayaa ah midka culus, waxayna ku wareejisay ciidamada Xabashida Itoobita, iyadoona munaasabadda hub ka dhigista ay goob ahaayeen masuuliyiin ka socotay xukuumadda Xabashida iyo Midowga Africa, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray gobalka Tigre si ay uga qeyb galaan arrintaan.
Mas’uuliyiinta ka socday dowladda Xabashida Itoobiya iyo Midowga Afrika ayaa aad u yaabay, kadib markii latusiyay taangiyadii ugu casrisanaa ciidanka Itoobiya oo TPLF haysatay!.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka fallaagada tigreega ee TPLF, ayaa yiri, “Gobolka Tigray wuxuu xukuumadda Adis Aababa ku wareejiyay hubkiisa culus, taasoo qayb ka ah ballan-qaadkii lagu fulin lahaa heshiiskii Pretoria,” oo 2-dii November ay kala saxiixdeen dowladda federaalka iyo mucaaradka Tigreega.
“Waxaanu rajaynaynaa oo aanu filaynaa in arrintani ay si weyn uga qayb qaadan doonto dardar gelinta fulinta heshiiska aan la galnay dowladda Itoobiya” ayuu sidoo kale yiri Afhayeenka kooxda fallaagada ah ee TPLF.
Heshiiskii ka dhacay dalka Koonfur Africa ayaa si gaar ah u beegsanayay hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaadka Tigreega, ee mudada 2-da sano ah dagaalka kula jiray xukuumadda uu hogaamiyo Abey Axmed, iyo in sidoo kale nidaamkii fedaraaliga ahaa dib loogu soo celiyo gobalka Tigre, lagana qaado xayiraaddii saarneed gobalka tan iyo bartamihii sannadkii 2021-ka.
Mid kamid ah ahdaafta ugu mihiimsan ee ay beegsaneysay xukuumadda Adis Aababa ayaa aheyd bur burinta kooxda TPLF, iyo in nidaamkeeda dib loogu soo celiyo gobalkaan dhaca woqooyiga dalkeeda, balse TPLF ayaa wali aaminsan in heshiisku uu qabyo yahay, islamakraana xukuumadda looga fadhiyo iney dhankeeda kasoo dhameystirto.
Magaalada lagu magacaabo Agulae oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Maqalle ee xarunta gobolka Tigre ayay ka dhacday munaasabadda hub wareejinta ee ay sameysay kooxda TPLF, waxaana halkaasi goob joog ahaa waxa loogu yeero urur goboleedka IGAD, iyo kormeerayaal ka kala socda labada dhinac.
Inta badan qodobada laga fuliyay heshiiskii ay wada gaareen dhinacyadii isku hayay dalka Itoobiya ee TPLF iyo xukuumadda fedaraaliga ah ayaa ah kuwa ay dani ugu jirto xukuumadda Abey Axmed, inkastoo ay ciidamada Ereteriya isaga baxeen magaalooyin fara ku tris ah oo katirsan gobalka Tigrey, ayay haddana TPLF sheegeysaa in arrintaasi ay tahay mid aan la aqbali karin.
Bishii Novomber ee sannadkii 2020-ka ayay dagaallo culus ka qarxeen gobalka Tigre ee dhaca woqooyiga dalka Itoobiya, kadib markii uu Ra’iisal Wasaaraha Xabashida Itoobiya Abey Axmed uu ciidamo u diray gobalkaan, si looga hortago TPLF oo sheegtay ineysan u hogaansameyn xukuumadda, wuxuuna sidoo kale xilligaasi fallaagadaan ku eedeeyay iney weeraro kusoo qaadeen xarumo ay ciidamada fedaraaliga ku lahaayeen gudaha Itoobiya,
Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa ku baracay dagaalladii labada sano ka socday gudaha dalka Itoobiya, halka ay ku nafwaayeen kumannaan kale, Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah iyo Amnesty International ayaana si wadajir ah u sheegay, in dagaalkii gobalka Tigre uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan adduunka.
Marka laga yimaado gobalka Tigre waxaa dalka Itoobiya gaar ahaan gobalka Oromiya ka socda dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidaamda xukuumadda iyo Maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno FANO oo isku dhac ah, iyo xoogagga Oromada ee magacooda loosoo gaabiyo OLA.
Kooxaha Oromada yaa dowladda Xabashida Itoobiya ku eedeeyay, ineysan waxba ka qaban xasuuq ay Maleeshiyaadka FANO ka geysteen gobalkaan, kaas oo ay ku laayeen dad badan oo Muslimiin ah, balse taa badalkeeda ay yaduba duullaan kusoo qaaday gobalka.
OLA ayaa si adag isaga difaacday duullaanka ay ciidamada huwata ah kusoo qaadeen gobalka, waxayna la wareegeen degaanno badan oo u dhaw Magaalada Adis Aababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyagoona ku goodiyay iney iska difaaci doonaan ciidanka fedraaliga iyo Maleeshiyaadka Amxaarada ee xasuuqa ka geystay Mandiqadda.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Hub Ka Dhigista Maleeshiyaadka Tigreega Ee TPLF.