Xildhibaan Macallimow: “Sharciga Nisa Waxaa Loo Sameystay Suuqa Bakaaraya & Suuqbacaad”

Xeerkan ayaa marka hore meesha ka saaraya xasaanadda xildhibaanada

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii shalay dood ka yeeshay xeer cusub oo kasoo baxay xarunta sirdoonka DF kaasoo ay ku qoran yihiin qodobo dhammaantood halis ku ah cirdiga, sharafka, xuquuqda, iyo hantida bulshada magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa u muuqday kuwa laba garab u kala jabay, qeyb taageersan Xassan Sheekh oo dhaqaale lagu siiyay iney meel mariyaan xeerkan iyo qeyb kasoo horjeeda oo u baqeysa in iyaga qudhooda lagu dabaqo.

Waxyaabaha layaabka leh ee ay Xildhibaanadu ka akhriyeen xeerkan waxaa kamid ah in qofka cirdigiisa iyo hantidiisa lagu xalaashan karo tuhun oo kaliya. Maxamad Ibraahim Macallimow oo kamid ah golaha ayaa sheegay in qoraalkan uu kasoo horjeedo dastuurka ay ku dhaqanto DF.

Wuxuu meesha ka saaray inuu yahay sharci ay qorteen dad Soomaali ah noocey doonaan ha ahaadaane: “Maxkamadaheenii sharcigii u dagsanaa ee tan iyo 64tii lasoo dajinaayay waxaasoo dhan ayuu liddi ku yahay, sharcigan luqad sharci kuma qorna waxaad moodaa in luqad ajnabi laga soo tarjumay oo tarjumaad kaliya ay tahay oo dad sharci yaqaana ah ma aysan soo qorin” ayuu yiri xildhibaan Macallimow.

Intaasi wuxuu ku daray in qoraalka ay soo diyaarsatay Nisa uu u muuqdo mid loogu tala galay in lagu dhaqo Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo kaliya, taasoo micnaheedu yahay in lagu boobo hantida dadka Soomaaliyeed, laguna cuuriyaamiyo ganacsatada.

Marka la eego wadamada farakutiriska ah ee la geeyay xeerarkan wax yaabaha ugu waaweyn ee ay sababeen waxaa kamid ah in ay dalka isaga carareen ganacsatadii waaweeneyn marka laga reebo in qeyb ka ah dhibaatada oo maamulka la shaqeysata, arrintaasina waxaa kasii dhasha in la abuuro ganacsato ay shisheeyuhu wataan oo dalka keena wixii ay doonaan, sidey rabaanna ka dhiga qiimaha maciisahdda, raqiis iyo qaali intaba.

Dooda baarlamaanka ayaa waxay xildhibaano dhowr ahi ka sheegeen in xeerkan uu meesha ka saarayo shaqadii korjoogteynta ee ay iyagu lahaayen maadaama lagu xusay in gudi gaar ah uu qaadanayo hawlahaas.

Xildhibaanada qaar waxay si gaar ah u muujiyeen in duullaan lagu yahay degmooyinka ladan iyo qabaa’ilka dhaqaalaha iyo ganacsiga ku horumaray sida reer Xamarweyne oo kale.

Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabanacad oo kamid ah odayaasha ugu da’da weyn Baarlamaanka ayaa goobta kalfadhiga ka sheegay qiso xanuun badan oo 45 sano ka hor ka dhacday Muqdisho ayna u sabab ahaayeen ciidanka Nabad Sugidda oo uu Maxamad Siyaad Barre, madaxweynihii hore u fasaxay iney sameeyaan wixii ay doonaan.

Wuxuu sheegay in ay gabi ahaantoodba ku habsadeen reer Xamarweyne kadibna guryaha kasoo saareen gabdhahoodii maqbiyaadka ahaa, bareen dhaqan xumo, sidoo kalana dhaceen dahabkii iyo hantidii dadku lahaa, taasina ay keentay in badi bulshada degmaasi u qaxaan magaala xeebeedda Mumbasa ee dalka Kenya.

Wuxuu xusay in arrintan ay saameyn ku yeelatay madaxweynihii iyo dowladdii xilligaasi jirtay illaa soo celinta dadkaasi loo xil saaray Xuseyn Kulmiye Afrax oo aanan waxbadan ka ogeyn sidii ay wax u dhaceen. Xildhibaanka ayaa qisadan usoo qaatay xeerka hadda la wado oo la doonayo in lagu xalaashado hantida bulshada Muqdisho gaar ahaan qof walba oo loo arko in laga awood badan yahay.

Xildhibaanada aadka uga doodaya xeerkan ayaa u baqaya nafsaddooda maxaa yeelay in badan oo iyaga kamid ah waa mucaarad sidaasi darteed waxaa suura gal ah in guryahooda loo daato laguna eedeeyo wax aysan shaqo ku lahayn kadibna golaha laga saaro.

Si kastaba xaalku ha ahaado’e’ Xildhibaanada ayaa ku baaqay in la celiyo qoraalkan amase laga saaro waxyaabaha xadgudubkoodu badan yahay ee qof walba saameynta ku yeelan kara.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.