Maxay Tahay Jawaabta Uu Xassan Sheekh Ka Bixiyay Hadalkii Deni?
Hadalka Xassan Sheekh ayaa u muuqda mid xifaalo ah oo uu kusii hirinayo xiisaddii isaga iyo Puntland.
Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay warkii dhawaan kasoo baxay maamulka Puntlabd ee ahaa in ay ka madaxbannaanyihiin DF.
Isagoo ka hadlayay shir uu la yeeshay qaar kamid ah xubnaha garsoorka ee dowladdiisa ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in si khaldan loo fahmay Federaalka.
Wuxuu sheegay in dalka la Federaaleeyo micnaheedu ineysan ahayn in wadanku kala tago oo qof walba wixii uu doono sameysan karo.”Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay” ayuu ku nuuxnuuxsaday 70 jirka madaxweynaha ah.
Dadka wax falanqeeya ayaa aaminsan in warkan kasoo yeeray Xassan Sheekh uu sii kicin karo xiisaddii ka dhaxaysay isaga iyo Saciid Deni hogaamiyaha Puntland.
Madaxtooyada Garowe ayaa todobaadkan warsaxaafadeed ku sheegtay hadal murtidiisu ahayd in maamulka Puntland uu xiriirka u jaray DF.