Midowga Yurub Oo Eedeyn Ujeediyay Dowladda Ruwanda, Kana Hadlay Dagaallada Ka Socda Congo DRC.(Warbixin)

Markii ugu horreysay Midwoga Yurub ayaa war kasoo saaray dagaallada qaraar ee ka soconaya Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xukuumadda iyo fallaagada Magacooda loosoo gaabiyo M23.

Midowga Yurub ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Ruwanda oo daris la ah Kongada Dimuquraadiga ah, isagoona ugu baaqay iney joojiso taageerada ay ufidiso kooxda fallaagada ah ee Maarso 23, taas oo haatan la wareegtay masaaso ballaaran oo kamid ah jamhuuriyadda, gaar ahaan dhulka dhaca bariga dalkaas, iyo degaannada ku yaalla xuduudda.

Masuul katirsan waaxda siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa war saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay dowladda Ruwanda, isagoona ka codsaday iney joojiso taageerada ay ufidiso kooxda mucaaradka ah, ayna ka fogaato iney sidoo kale taageerto kooxaha kale ee hadda ka dillaacay dalkaas.

War-Saxaafadeedkaan kasoo baxay masuulka katirsan waaxda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya, iyadoo horraantii bishii Desember ee lasoo dhaafay ay khubarro katirsan Qaramada Midoobey baahiyeen taqriir ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee ka taagan Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo.

Taqriirka ay baahiyeen khubarradaan katirsan Qaramada Midoobey ayay kusoo bandhigeen cadeymo muujinaya, in ciidamado ka socda Ruwanda ay soo galeen gudaha Congo, intii u dhexeysay bishii November ee sannadkii 2021-ka illaa bishii October ee sannadkii 2022-ka, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dagaallada ka dhanka ah xukuumadda.

Kongada Dimuquraadiga ah, Mareykanka, iyo sidoo kale qaar kamid ah dowladaha reer Yurub ayaa horraan waxay Ruwanda ugu eedeeyeen taageeridda kooxdaan fallaagada ah ee Maarso 23 ee ku xooggan gobalka Kiifu ee dhaca woqooyiga Congo, gaar ahaanna xuduudda uu dalkaani la wadaago Ruwanda, iyagoona bilihii lasoo dhaafay ay la wareegeen masaaxo badan oo dalka ah, balse xukuumadda Ruwanda ayaa gabi ahaanba iska beenisay eedeymahaas.

Taqriirka ay horraan baahiyeen khubarrada ka socday Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegey, in ciidanka Ruwanda ay qaadeen howlgallo mellatari oo lagu taageerayo kooxda M23, kuwaas oo ka dhanka ah Maleeshiyaadka Dimuquraadiiyiinta ee xureynta Ruwanda, kuwaas oo ah kooxo hubeysan oo kasoo jeeda qowmiyadda Hotu ee asal ahaan kasoo jeeda Ruwanda, waxaana aasaasay masuuliyiin hore, iyagoo u adeegsaday xasuuqii 1994-tii ka dhacay Ruwanda ee lagu laayay qowmiyadda Tutsiga.

Ruwanda ayaa kooxdaasi u aragta mid halis ku ah amnigeeda gudaha, waana taas midda keentay in ay ciidamadeeda ay ka dagaallamaan gudaha Congo, walow ay iska beenisay arrinkaas, sidoo kale Midowga Yurub ayaa Kongada Dimuquraadiga ah ugu baaqay ineysan wax tacaawun ah la yeelan kooxahaan fallaagada, si gaar ah kooxda la magac baxday xureynta Ruwanda.

Dowladahaan dariska ah ayaa is weydaarsanaya iskumid ah, iyadoona mid waliba uu kan kale ku dhaleeceynayo inuu taageero koox halis ku ah amniga labada dal, xukuumadda Ruwanda ayaana Congo ku dhaliishay in xasaradahaan taagan ay kaga faa’iideysaneyso dano gaar ah oo ay iyadu leedahay.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Midowga Yurub Oo Eedeyn Ujeediyay Dowladda Ruwanda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.