Nabadoonka Beesah Daa’uud oo Bogaadiyay Khasaarihii DF Loogu Geystay Hilowle Gaab. (Warbixin)
Nabadoonka ayaa horey u ballan qaaday in degaanada beeshiisa aysan hurdo ku ladi doonin askarta DF.
Nabadoonka beesha Daa’uud Nabadoon Macallin Muxumad Macallin Xassan ayaa bogaadiyay natiijada dagaalkii cuslaa ee saaka la dhacay degaanka Hilowle Gaab oo u dhow degmada Ruunirgood ee gobolka Sh/dhexe.
Isagoo u waramayay Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa wuxuu nabadoonku sheegay in ay muddo hore ciidamada DF uga digeen iney kusoo dagmaan degaanadooda maantana ay dhadhamiyeen wixii looga digayay.
Wuxuu xusay in ciidankii saaka 31ka laga dilay ay ahaayeen malleyshiyaad ay soo uruuriyeen rag uu kamid yahay gudoomiyihii hore ee Wadajir Axmad Daaci kuwaasoo wax kasoo qaatay qandaraaska Mareykanka ee uu wakiilka ka yahay Xassan Sheekh.
Askarta DF iyo saraakiisha la socota ayaa waxa uu nabadoonku ku eedeeyay iney diidan yihiin kudhaqanka Shareecada Islaamka islamarkaana wataan dastuur shisheeye qoray.
Nabadoonka ayaa shir ka dhacay wilaayaatka islaamiga laba bilood ka hor ku ballan qaaday iney beeshiisu gacan weyn ka geysan doonto sidii loo naafeyn lahaa ciidamada DF ee duullaanada ka wada Sh/dhexe gaar ahaan degaanada ay beeshu degto.
HOOS KA DAAWO KHUDBADII HORE EE NABADOONKA