Qof Soomaali Ah oo Lagu Dilay Dalka Koofur Afrika.

Koofur Afrika kama jirto safaarad ilaalin karta xuquuqda Soomaalida oo ay leedahay DF.

Wararka ka imaanaya wadanka Koofur Afrika ayaa waxay sheegayaan in mid kamid ah ganacsatada Soomaalida ah lagu dilay wadankaas.

Falkan dilka ah ayaa waxaa geystay kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah kaasi oo ka dhacay gobolka Gauteng sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadkii uu la noolaa.

Burcadda ayaa goobta ka baxsatay markii ay dilka fuliyeen. Ganacsadaha Soomaaliga ah ee la dilay oo ah nin dhallinyaro ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi isagoo xilliga la dilayay ku sugnaa dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng.

Sidii caadadu ahayd waxaa goobta gaaray ciidamo Bolis ah kuwaasoo goobta isaga laabtay kadib su’aalo kooban oo ay dadka qaar weydiiyeen mana jirto faaffaahin dheeri ah oo ay ka bixiteen dilkan.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurafrika ayaa cambaareysay falkan dilka bareerka ah ee loo geystay ganacsadaha Soomaaliga ah, waxaana ay walaac ka muujiyeen dilalka Soomaalida ee joogtada ka noqday dalkaas.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.