Sawirro: Ciidanka Soomaalida Iyo Askarta Xabashida Kuwee Baydhabo Marti Ku Ah? (Warbixin)

Ciidanka Soomaalida Iyo Xabashida Kee Baydhabo Marti Ku Ah?

Baydhabo oo ah magaalo taariikhi ah oo caan ku ahayd barashada culuumta diiniga islamarkaana ay sannadkii 2012 qabsadeen ciidanka Itoobiya ayaa ku sugan marxaladeedii ugu adkayd.

Tan iyo markii uu billowday khilaafka uu daaha gadaashiida ka hurinayo Xassan Sheekh ee u dhaxeeya hogaamiyaha Koofurgalbeed C/casiis Laftagareen iyo mucaaradka, waxay ciidamada Itoobiya mar kale lasoo bexeen tallaabooyin ay ku muujinayaan heerarka ay awaamiirtoodu gaarsiisan yihiin.

Todobaadkii ugu horreeyay ee ay magaalada dhexdeeda ku dagaalameen malleyshiyada mucaaradka iyo kuwa maamulka waxay bixiyeen awaamiir kala duwan iyagoo kulamo gooni-gooni ah la qaatay saraakiisha labada geesood.

Arrintan la yaabka leh ee hadda taagan ayaa waxay tahay in ciidanka maamulka Koofurgalbeed loo sheegay in aysan iman karin halka uu ka dhacayo shir labada dhinac lagu dhexdhexaadinayo, cidda waardiyeeneysana ay yihiin askarta Itoobiya.

“Walaalow nasiib darrada jirta ayaa waxay tahay in saraakiisha Itoobiya ay dhegta wax ugu sheegeen niman waxmagarato ah oo isku sheegaya mucaaradka kuwaas oo ku hadaaqay ineysan ku kalsooneyn ciidanka Koofurgalbeed iney ilaaliyaan goobta shirka, una baahan yihiin ciidanka Itoobiya” sidaasi waxaa inoo sheegay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Baydhabo oo codsaday inaanan magaciisa shaacin sababo ammaan aawgood.

Maanta waxaa magaalada Baydhabo ku kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Aadan Madoobe iyo taliyaasha ciidamada Itoobiya, Aadan ayaa ammaan kala duldhacay askarta Xabashida wuxuuna u sheegay inuu ku qanacsan yahay iney ilaaliyaan halka uu shirku ka dhacayo.

Saraakiisha Itoobiya ayaa gudoomiyaha ayaa hawlaha shirka kala qaatay waxayna islagarteen dadka ka hadlaya goobta iyo inta maalmood ee uu shirku soconayo. Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dheehanayay Xabashidu ku naaxeen magaalada Baydhabo xilli markii ay imanayeen ay u muuqdeen dad gubtay oo si u basaasan.

Madaxda ciidanka Xabashida ayaa lacago baad iyo laaluush ah ka qaata maamulka, siyaasiyiinta iyo dadka xildoonka ah ee raba iney qeyb ka noqdaan maamulka Koofurgalbeed.

Saraakiisha ciidamada Soomaalida ee Baydhabo ayaa aad uga xun in sumcadoodii la dilay lagana doortay kuwa Itoobiya. Ciidanka Soomaalida ee DF iyo maamul goboleedyada ayaa ku bahdilan meel walba oo ay joogaan, kuwaasoo uu dowrkoodu kusoo koobmay sida ay dad badan aaminsan yihiin in sidii Eeyaha uun loo adeegsado, markey dhaawacmaanna ehelkooda lagu agtuuro.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KULANKA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.