Sheekh Abuu Muscab Oo Sheegay In 159 Askari Ay Ku Dileen Weerarkii Galcad.

War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii cuslaa ee saaka ka dhacay degmada Galcad lagu dilay 159 askari.
Afhayeenka taliska ciidamada Al Shabaab Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa war uu saaray ku faah faahiyay natiijada ka dhalatay weerarkii Galcad.
wuxuu sheegay in camaliyad istish-haadi ah oo weerarka lagu daah furay ay gallaafatay nolosha boqolaal askari.

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Jimca ah weerar lixaad leh ku qaadeen saldhiga ciidamada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen degmada Galcad ee wilaayada Galguduud. Halkaas waxaa ku sugnaa 3 urur oo ciidamada ridada ah kuwaas oo 2 urur ay ahaayeen kuwa Maraykanku leeyahay ee Danab loogu yeero, iyo hal urur oo kuwa Turkigu leeyahay ah. Weerarka oo billawday xilligii salaada Fajarka waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee degmada Galcad, waxaana Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamadeena u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada, ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii ridada ee degmada Galcad. Khasaaraha dhimashada ee cadawga soo gaaray inta hada aan ognahay waa 159 iskugu jira askar iyo saraakiil” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalyahannada Al Shabaab ay gubeen oo ay qabsadeen illaa 45 gaari oo nuuca dagaalka ah mana jirin wax gaadiid ah oo ubadbaaday maleeshiyaadka Danab ee Mareykanku tababaray.

Xigasho: Somalimemo.info.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.