Warsaxaafadeed: 63 Askari oo DF Looga Dilay Weerar Saaka Ka Dhacay Xawaadley.

Al-Shabaab waxay xaqiijiyeen in weerarkan ay ku dileen in ka badman 60 askari.

Maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray weerar ay saaka lagu qaaday fariisin ay ciidamada DF ku lahaayeen degaanka Xawaadley oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Al-Shabaab waxay xaqiijiyeen in weerarkan ay ku dileen in ka badman 60 askari sidoo kalana hub iyo gaadiid kusoo furteen: “Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, waxay ciidamada Mujaahidiintu saakay oo Talaado ah weerar qorshaysan ku qaadeen cadawga ku sugan deegaanka Xawaadleey ee wilaayada Shabeellada Dhexe, kaas oo qiyaastii 60km u jira caasimada Muqdisho. Camaliyad Ishtish-haadi ah ayuu weerarku ku billawday, kadib waxaa xigay ciidanka Mujaahidiinta oo dhawr jiho ka weeraray cadawga ashahaado la dirirka ah ee halkaas ku sugnaa” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Waxaa faahfaahin dheeri ah laga bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana lagu yiri: “Dagaal muddo socday kadib waxay ciidamada Mujaahidiintu Allaah fadligiis jebiyeen cadawga waxayna gacanta ku dhigeen saldhigii ridada ee deegaanka Xawaadleey. Khasaaraha dhimasho ee cadawga soo gaaray inta ilaa hada la ogyahay waa 63 dhimasho ah iyo dhaawac intaas ka badan. Waxaa cadawga halkaas lagu dilay kamid ahaa taliyihii ciidanka ridada ee saldhiga Xawaadley, kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Abshir Maxamuud Shataqeey, ahaana mujrim ashahaado la dirir ah oo muddo dheer dhibaato ku hayay bulshada Muslimiinta ah ee Shabeellada Dhexe, in muddo ahna ay ku dabajireen ciidamada Mujaahidiinta”

Intaasi kadib warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu soo gunaanaday farriimo kala duwan oo ay direyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah” ayaa lagu soo afmeeray warsaxaafadeedka.

Maalintii shalay ayay ahayd markii weerar nafhurnimo ah oo khasaare badan geystay ay Al-Shabaab la beegsadeen fariisin ciidan oo ay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ku lahaayeen askarta DF iyo malleyshiyada la baxday Macawiisley, halkaasoo dadkii lagu dilay uu kamid ahaa Taliye Jamaal Axmad Jaamac oo kamid ahaa hogaamiyaasha colaada Hiiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.