Waxgaradka Xawaadle: “Siyaasiyiinteenu Waxay Na Geliyeen Dagaal Aan Keena Ahayn” (Dhageyso)

Kadib muddo dhowr bilood ah oo uu gobolka Hiiraan qeyb kamid ah dagaal ka socdo, dhibaataduna sii badanayso ayaa waxay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle daaha ka rogeen arrimo badan.

Nabadoon Xaaji Cabdiraxmaan Xiirey ayaa sheegay in dagaaladii waayahan ka dhacayay Hiiraan ay ahaayeen kuwa laga soo raray meelo kale kana dambeeyaan siyaasiyiin daneystayaal ah oo gobolka ku abtirsada islamarkaana Xassan Sheekh qandaraas uga soo qaatay.

Nabadoon Axmad Cabdi Cusmaan “Golis” ayaa isna sheegay in dagaalka beesha la galiyay uu yahay dagaal aan kooda  ahayn iyo mashruuc “argagixiso” la dirir ah (diin la dirir) oo gaalada caalamka u taag waayeen.

Labada Nabadoon ayaa sheegay in siyaasiyiintii buunka u yeeriyay dadka ay hadda ku raaxeysanayaan wadamada Yurub iyo hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa kale oo ay jaaliyadaha beesha ugu baaqeen in ay ku daydaan jaaliyadaha goboladooda dhisaya ee dadkooda nabadda u horseedaya meesha ay iyagu colaadda ka shaqeynayaan in badan oo kamid ah, waxay ugu yeereen iney xaqiiqda hubsadaan iskana ilaaliyaan iney ku saamoobaan wararka laablakaca iyo been abuurka ah ee ay warbaahinta shisheeye iyo kuwa ku daaban ku hadaaqayaan.

Halkan Ka Degso Wareysiyada Nabadoonada mp3

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.