Africa Center: “Al-Shabaab Waxay Fuliyeen Weeraradii Ugu Badnaa 2022” (Warbixin)

Faaladan ayaa u muuqata mid talooyin lagu siinayo ciidamada shisheeye iyo DF.

Dowladaha shisheeye ee kusoo duulay Soomaaliya iyo hey’adahooda wax darsa ayaa aad ula yaaban kororka weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee sannadkii dhawaan inaga dhamaaday ee 2022-kii iyagoo ku asteeyay inuu yahay kii ugu dhacdooyinka badnaa.

Xarunta lagu magacaabo Afrika Center ayaa daabacday warbixin ay arrimahan uga faallooneyso kuna muujineyso inaan la dhayalsan karin awooda jihaadiga ah ee ka jirta Soomaaliya, waxay sheegtay weerarada Mujaahidiintu kordheen 23% (boqolkiiba labaatan iyo sadax).

Warbixintan oo la daabacay gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu sheegay in ay si isku mid ah u kordheen dhammaan noocyada weerarada ka dhanka ah DF iyo ciidamada shisheeye sida:- qaraxyada, weerarada tooska ah iyo dilalka qorsheysan oo inta badan ka dhaca caasimadda, waxay xustay in ay diiwaan gelisay 2553 weerar oo dhacay sannadkii tegay.

Waxay ku qiimeysay tirada weeraradan iney ka dhigan yihiin 37% (sodon iyo todobo boqolkiiba) dhammaan dhacdooyinka ay qaaradda Afrika ka geysteen xogagga Jihaadiyiinta ah. Waa weeraradii ugu badnaa ee ay islaamiyiintu fuliyaan tan iyo sannadkii 2007-sii sida warbixinta lagu qeexay.

Mar haddii ay weeraradu kordheen waxaa ka dhalatay natiijo ah in ay geeridu kororto, waxayna caddeysay qormadu in 133 boqolkiiba ay korodhay heerka dhimashada ee ay sababeen weerarada beegsiga ah ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya.

Tirada guud ee dhimashada loo geystay DF iyo ciidamada shisheeye oo ay ku jiraan kuwa Burundi oo lagu baabi’iuyay xeradii Ceelbaraf ma aaney kala saarin oo waa ay isku dareen, waxayna tilmaameen iney gaareyso 6,225 dhimasho ah sannadkii 2022. Waa tiro aad u badan marka loo eego sannadkii 2021 oo ay dhimashada dhinacyada isbahaysana gaartay 2,606 sida ay xaruntu caddeysay.

Afrika Center ayaa faalladeeda ku muujisay culeys xooggan oo ay shisheeyaha iyo DF ku qabaan qaraxyada miinooyinka ah, waxay xustay in qaraxyada dhulka lagu aaso ay sannadkii tegay sabab u ahaayeen iney laba jibaaranto tirada dhimashada shisheeyaha iyo DF.

Waxay DF iyo malleyshiyo beeleedyada la socda ku eedeysay iney dhankooda mas’uul ka yihiin khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalada, iyadoo aanan si toos ah uga hadal gumaadka ay diyaaradaha Mareykanka iyo Turkidu u geystaan dadka shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa suura gal ah in weerarada Mujaahidiintu ka badan yihiin inta lasoo bandhigay, waxaana ay faalladan u muuqataa mid talooyin lagu siinayo DF iyo ciidamada shisheeye, wax yaabaha ay bidhaamisay waxaa kamid ah in qaraxyada miinooyinku laba jibaareen khasaarahooda dhimasho, taasoo micnaheedu yahay iney ka gaashaantaan ama socodka yareeyaan. Shalay oo ugu dambeysay waxay Mujaahidiintu qarax ku burburiyeen gaari dagaal iyo ciidankii saarnaa oo marayay degmada Ceelbacad ee gobolka Sh/dhexe.

You might also like
1 Comment
  1. Abdiqaadir says

    Waxan raba inaan lasocdo warbixintiini oo gaarka ah

Leave A Reply

Your email address will not be published.