Al-Shabaab Oo Bayaan Ka Soo Saartay Hawlgallo Lagu Dilay Saraakiil u Shaqaynayay C.I.A-da Mareykanka
War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegstay mas’uuliyada dilal qorsheysan oo ka dhacay degmooyinka Dharkenley iyo Hodan ee Muqdisho, kuwaas oo lagu dilay saraakiil u shaqeynayey CIA-da Mareykanka.
Weerarada mid kamida ayaa lagu dilay Isxaaq Sandheere oo maamulka Jubbaland kasoo noqday xildhibaan iyo wasiir ku xigeenka amniga sidoo kalane ahaa jaajuus ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
Sidoo kale degmada Hodon waxaa lagu dilay sarkaal wadashaqeyn lalahaa CIA-da Mareykanka kaasi oo lagu magacaabi jiray Mahad Afdheete, bayaanka kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyay waxa ay ahaayeen saraakiisha ladilay iyo qaabka ay wax u dhaceen.
Halkaan Ka Degso Bayaan Oo PDF Ah.
Sidoo Kale Halkaan Ka Dhageyso MP3.