Al-Shabaab oo Ku Dhawaad 40 Askari Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Sabiid.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo ay saaka ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku qaaday fariisimayaal ay askarta DF ku lahaayeen degaanka Sabiid oo qiyaastii 8km u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka sabiid ayaa dhacay saaka salaadii fajarka kadib kolkaasoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay xoog ku jiireen difaacyadii ciidamada DF, dagaal muddo socday kadib waxaa u suura gashay iney labada xero la wareegaan, islamarkaana kaxasytaan gaadiid, hub iyo agabyo kale.

War goor dhow kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in askarta DF laga dilay 38 dhaawacooduna tobanaan gaarayo.

Askarta dowladda ee ka cararay xerada kana baxsaday dagaalka ayaa waxaa firxadkooda lagu kulmiyay degmada Afgooye halkaasoo looga sii gudbiyay Muqdisho.

DF ayaa aagaga ku dhow Afgooye dhowr mar ka qaaday ciidamo si ay u u caawiyaan saaxiibadood uu culyska ku heysto gobolada dhexe, waxaana muuqanaya in Al-Shabaab ay ka faa’iideysteen dacfiga soo wajahay xeryahan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dardar gelisay weerarada afjarka ah oo ay ku beegsanayso halbowlayaasha DF waxaana tallaabooyinkeedan ka dhashay in ay jilbaha dhulka ku dhufsato xamladii dagaal ee ay dhowr bilood ka hor ka billowday gobollada qaar.

Waxaa meesha ka baxay hadalladii goodiga ahaa ee golayaasha lala soo istaagayay sida waan duuleynaa iyo waxbaan dileynaa, dhaantadii iyo caweyskii waxaa badalay dhimasho iyo dhaawac joogto ah, isu hambalyeyntii waxaa badalay isdhaliilid iyo dhawaaq tacsi ah, qosolkii waxaa badalay qamuunyo, igu sawirtii waxaa badalay I qariya, foofka ciidamada waxaa badalay fakad, isqaad qaadkii xassan sheekh waxaa badalay atmis hanoo joogto, ismuujintii bst xamarka waxaa badalay aamusnaan markii la galay, madaxtooyo, filla ros, hotel xayaat iyo xarunta gobolka Banaadir.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.