Al-Shabaab Oo La Wareegay Degaanka Durduri & Qarax Ka Dhacay G/Sanaag.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Durduri oo u dhaxeeysa magaalooyinka Ceelaayo iyo Laasqoray ee katirsan gobalka Sanaag.
Maamulka Puntland ayaa markii Mujaahidiinta la wareegeen deegaanka Durduri waxay ciidamo iyo gaadiid tikniko ah kasoo direen magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.
Ciidankaan oo watay ilaa 14 gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa qarax Mujaahidiinta kula eegteen duleedka deegaanka Ceelaayo ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi lagu dilay sarkaalkii watay ciidankaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Cali Xiireey (Abees Dhuuni) waxaana sidoo kale ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.
Howlgallada ka dhanka ah maamulka Puntland ayaa waayihii dambe waxay ku sii xoogaysanayeen degaannada ka tirsan oo gobolka Sanaag uu ka arimiyo maamulkaasi, Ciidamada Majaahidiinta ayaana howlgal ay dhawaan ka fuliyeen duleedka deegaanka Dhadhaabo ee gobalka Sanaag waxay ay ku khaarijiyeen sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdonka Puntland oo la oran jiray Cabdi Caseer.