Al-Shabaab Oo Saaka Burburiyay Goob Daroogo Oo Ku Taallay Muqdisho.

Qarax culus oo jugtiisa laga maqlay xaafada dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa aroornimadii saaka lagu weeraray goob lagu iibin jiray daroogada nuucyadeeda kala duwan oo ku taallay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Goobtaan la burburiyay oo si gaar ah ugu taalay xaafada Barmuuda ee degmadaasi ayaa waxaa ku dhinatay milkiilihii xarunta oo la oran jiray Dhagooste.

Kadib weerarka lagu burburiyay goobtaan waxaa albaabada loo laabay xarumo afar ah oo lagu iibin jiray daroogada  kuwaas oo ku yaallay isla xaafadda Barmuuda ee degmada Hodan.

Tan iyo markii ay bilaawdeen howgallada ay ku dhawaaqay Xarakada Al-Shabaab ee ka dhanka ah goobaha iyo dadka ka ganacsada daroogada ayaa sabab u noqday in albaabada laysugu dhufto tobanaan xarumood oo daroogada lagu iibin jiray oo ku yaallay Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.