Al-Shabaab Oo Silsilado Qaraxyo Ah Ku Weeraray Villa Somalia Iyo Nawaaxigeeda.
Jugta qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xilli waddooyinka muhiimka ah loo xiray madax ka socotay dowladahaha ay ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta usheegay in ay maqleen dhowr qarax oo lagu weeraray koontaroollo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia.
Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan lagu weeraray xarunta madaxtooyada, “Silsilado qaraxyo xooggan ah oo isku xili dhacay ayaa mujaahidiinta Saaka ka fuliyeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaatka murtadiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Weerarka 1aad ayaa lagu beegsaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya illaa 3 Qarax ayaa la sheegay in lagu weeraray, kuwaas oo jugtooda meela fog fog laga maqlay.
Sidoo kale Koontaroollada Sayidka iyo Darjiinka oo Villada laga ilaaliyo ayaa dhowr qarax lagu beegsaday waxaana jira waxyeellooyin soo gaaray ciidamo katirsan dowladda oo loo xilsaaray sugidda ammaanka Villada.
Inta u dhaxeeysa Xaafadaha SOS iyo Suuqa xoolaha waxaa qarax lagula eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askarta dowladda gaar ahaan kuwa lagusoo tababaray dalka Eritrea, gaariga waa uu burburay, khasaaro ayaa gaaray maleeshiyaatkii la socday sida ay wararku sheegayaan.
Wadarta guud ee qaraxyada ay Al Shabaab maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho waa 10 qarax balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay.
Weeraradan ayaa imaanaya xilli ay garoonka diyaaradaha Muqdisho saaka kasoo degeen madaxda wadamada Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti.