Taliska Milatariga Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Dagaalka Baar Sanguuni.

War horudhac ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay weeraradii cuslaa ee saaka ka dhacay degaanka Baar Sanguuni oo hoos taga magaalada Kismaayo.

Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada ayaa saxaafadda u sheegay in milatarigoodu ay dagaal kula wareegeen laba saldhig oo ku yaalla degaanka Baarka waxaana uu yiri:

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Khamiis ah hawlgallo milatari ka fuliyeen saldhigyada cadawga ee deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka degmada Kismaayo ee Wilaayada Jubbooyinka”

Warka kasoo baxay Sh/Abuu Muskacab ayaa lagu xaqiijiyay in lasoo afjaray ciidamo uu in muddo ah uruurinayay Mareykanka si uu danihiisa ugu fushado.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligiis si dhamaystiran gacanta ugu dhigay labadii saldhig ee ay weerareen, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo cadawga soo gaaray, sidoo kale waxaa jira hub iyo saanad ciidan oo laga qaniimaysta” sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ee lagala wareegay saldhigyada ayaa waxay u qeybsameen dhimasho iyo in cararta. Intii uu dagaalku socday gurmad looga soo diray Kismaayo ayaa dhabbaha loo galay, waxaa laga gubay gaadiid, khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana waa la gaarsiiyay.

Waa weerarkii sadaxaad oo muddo 7aad ah lagu burburiyo sadax xero oo ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ku lahaayeen Jubbada Hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.