Boqolaal Qof Oo Ku Dhintay Dhulgariir Ku Dhuftay Turkiga iyo Suuriya (Sawirro).
Kumaan ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhulgariir xooggan oo subaxnimadii saaka ku dhuftay qeybo badan oo ka mid ah wadamada Suuriya iyo Turkiga.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dhimashadu ay kor u dhaaftay 500 oo ruux, dhaawacuna uu ku dhowyahay 3000 oo kale, halka kumaan dhismayaal ahna ay ku burbureen
Dowladda Turkiga ayaa ilaa iyo haatan ku dhawaaqday dhimashada 284 qof iyo dhaawaca 2323 kale, halka maamulka Nuseyriyada Suuriya uu dhankiisa xaqiijiyay dhimashada 237 ruux iyo dhaawaca 648 kale, waxaana marba marka ka dambeysa isi soo taraya khasaaraha nafeed ee ka dhashay musiibadaan.
Dhulgariir-kaan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa ku dhuftay 8 gobol oo dhaca koonfurta dalka Turkiga iyo 4 gobolka oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka wadanka Suuriya, waxaana sidoo kale saameyntiisa kaga dareemay dalalka Lubnaan, Falastiin, Giriiga, Qubrus, Armenia, Georgia, Ciraaq iyo qaar kamid ah deegaanada Masar.