Ciidamada DF oo Darawal Bajaaj Ku Dilay Muqdisho.

Daawo Hadalka Jeesjeeska Ah Ee Taliyaha Boliska.

Ciidamada DF ayaa maanta mar kale magaalada Muqdisho si bareer ah ugu toogtay darawal kaxaynayay mooto Bajaaj.

Askar ayaa rasaas ku furay wade Bajaab oo marayay agagaarka Shineemo Afrika ee degmada Xamarjajab kadib markii uu ka diiday baad ay weydiisteen.

Askarta dilka geystay ayaa ku baxsaday booto laba-luguudley ah oo ay wateen, dad careysan ayaa goobka ka dhigay isku soo bax ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin tacaddigan.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha Boolisku uu ciidanka ugu baaqay ineysan madaxa ka toogan bajaajleyda balse ay ka toogtaan lugaha iyo gacmaha.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA TALIYAHA BOOLISKA

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.