Dadka Ku Dhintay Dhulgariirkii Turkiga Iyo Suuriya Oo Ka Tilaabay 15 Kun Oo Ruux.

Waxaa sii kordhay khasaarihii musiibadii Isniintii la soo dhaafay ku dhufatay qeyno kamid ah wadamada Turkiga iyo Suuriya waxayna tirada dhimashadu ay haatan ka sare martay 15 kun oo ruux, sida ay xaqiijinayaa tirakoobyadii u dambeeyay ee la shaaciyay.

Saraakiisha gurmad dowladda Turkiga ayaa ku dhawaacay in tirada dadka dhintay ay gaaray 12 kun, 873 ruux halka dhaawacuna uu maraayo 62 kun, 937 qof, waxaana weli jira boqolaal ruux oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Sidoo kale dhanka Suuriya waxaa sii kordhahaya khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay qeybo kamid ah dalkaasi. Guddiga difaaca Madaniga ayaa sheegay in dhimashadu ay haatan gaaray 3 kun,162 qof dhaawacuna uu dhaafay 5 kun, 685.

Hay’adda maareynta musiibooyinka Turkiga (AFAD) ayaa sheegtay in 1,117 dhulgariir ay diiwaan geliyeen tan iyo markii dhulgariirkii xooggan uu ku dhuftay koonfurta dalkaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.