Dagaal Ka Dhacay Laascaanood & Xiisad Ka Taagan Garowe.

Dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa saaka ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Dgaaalka oo u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dadka magaalada kasoo jeeda ayaa socday muddo saacado ah.

Maamulka Somaliland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidankooda ay soo weerareen waxa uu ugu yeeray argagixiso ayna iska difaaceen.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay ineysan cidina ka dhiman illaa iyo hadda kamana uusan hadli haddii ay jiraan dhibaatooyin shacabka soo gaaray.

Saleemaan Gaal oo kamid ah mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ay sidoo kale dareemayaan in kacdoon lagaga sameeyay dhanka degaanka Ceelafweyn oo ka tirsan isla gobolka Sool.

Labada ciidan ee uu dagaalku dhex maray ayaa wali isku horfadhiya halkii lagu dagaalamay ee magaalada Laascaanood, waqti walbana waxaa la fili karaa in uu dagaalku qarxo.

Dhanka kale waxaa magaalada Garowe ee gobolka Nugaal laga soo sheegayaa xiisad u dhaxaysa maamulka Puntland iyo ciidamada Mareykanku tababartay ee PSF.

Ciidankan oo sidoo kale loo yaqaano danab, bulshaduna ugu yeerto ashahaado la dirir, ayaa diidan diiwaan gelinta doorashada. Ciidamo u daacad ah Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hor fadhiya askartan, dadka magaaladu waxay ka baqdin qabaan in uu qarxo dagaal labada geesood ah.

Shalay ayay ahayd markii saraakiisha PSF ay ku goodiyeen iney hor istaagi doonaan diiwaan gelinta doorashada oo ay ku tilmaameen mid uu hal dhinac kaliya wato oo ay ula jeedaan hal qabiil, waxaana kasii horreeyay oo arrinta diiwaan gelinta qaadacay Maxamad Cabdiraxmaan Faroole oo sameystay xisbi siyaasadeed.

Madaxtinimada maamulka Puntland ayaa waxaa ku tartama qaar kamid ah beelaha dega Puntalnd, marar badanna waa la isku qabtaa oo waxaa iska hor yimaada dana beesha caalamka iyo rabitaanka siyaasiyiinta hor boodaya qabaa’ilka, arrimahan murugsan ayaa kamid ah miraha laga guranayo nidaamka Federalisimka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.