DED-DEG: Weerar Lagu Dilay Askar DF Ah Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka aan ka helayno wilaayada Sh/dhexe ayaa ku waramaya in weerar Jid-gal ah lala beegsaday askar katirsan ciidanka DF waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askartii kamiinka ku dhacday.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dagaalyahanada Sabaabul Mujaahidiin ay weerar dhabba-gal ah duleedka degaanka Daaru Nicma ee gobolkaasi ugu sii diyaariyeen askar katirsan DF oo halkaasi ku socdaalaysay.

Wararka hordhaca ah ee laga helyo weerarka ayaa xaqiijinaya in ugu 6 askari lagu dilay, tiro kalena lagu dhaawacay sidoo kalena ciidamada Mujaahidiintu ay weerarka ku soo furteen 7 qori oo 6 kamid ah ay ahaayeen AK47 halka kan todobaadna uu ahaa BKM.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.