DEG-DEG: Dhulgariir Xoogiisa Laga Dareemay Dalal Badan Oo Markale Ruxay Turkiga.
Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa ku waramaya in koonfurta dalkaas uu markale ka dhacay dhulgariir cusub kaas oo sameytiisa laga dareemay wadamo badan oo deris la ah.
Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdega ah Turkiga ayaa ku warantay in goor dhow dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.4 uu ka dhacay gobolka Hatay ee Koonfurta dalka Turkiga kaas oo xoogiisa laga dareemay wadamada Lubnaan, Suuriya iyo Falastiin.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in ay dumeen dhismayaal dhowr ah oo ku yaalla waqooyiga dalka Suuriya iyo koonfurta Turkiga taasoo ka dhalatay dhul gariirkan cusub.
Saraakiisha gurmadka Turkiga ayaa ugu baaqday muwaadiniinta inay ka fogaadaan dhismayaasha burburay ee ku yaalla aagga dhulgariirku uu ku dhuftay.
Warbaahinta Turkiga ayaa shaacisay in khasaare hor leh uu ka dhashay dhulgariirkaan cusub ee ka dhacay gobolkaasi, waxaana dhawaqa dhismooyinka dumay laga maqlay magaalada Antiyokh ee dalka Turkiga.
Sida laga soo xigtay TV-ga Al-jazeera, khasaare ayaa ka dhashay burburka tiro dhismayaal ah oo ku yaalay waqooyi-galbeed ee Suuriya,kadib sameyn uu halkaasi ku yeeshay dhulgariirka cusub ee ku dhuftay gobolka Hatay, koonfurta dalka Turkiga.
Dhulgariirkaan cusub ayaa imaanaya xili khasaarihii ka dhashay dhulgariiradii hore ay maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayaan, iyadoona tirada dadka ku dhintay Turkiga ay hor u dhaafray 40-kun oo ruux.