DEG DEG: Weerar Cagmarin Ah Oo Lagu Qaaday Xeryo DF Ku Leedahay Sh/Hoose.

Ciidamo aad u qalabeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka weerar culus oo ku bilaawday camaliyaad Nafhurinimo ah waxay ku qaadeen laba xero oo ay ciidanka DF ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid aad  u culus ayaa dhaliyay in cagta la mariyay askartii halkaas ku sugneyd, islamarkaana ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegaan xeryahaasi.

Warar horudhac ah oo la helayo waxay ku waramayaan in askartii halkaas ku sugneyd ay gaartay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah oo kala duwan.

Lasoco wixii faahfaahin ah Insha’Allah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.