DF Oo Sheegtay In Itoobiya & Kenya Ay U Kaashanayso Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab.
Dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir ay isugu yimideen taliyaasha ciidamada dowladaha dhaca bariga qaaradda Afrika, kuwaas oo duullaan gardarra ah ku jooga dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda G/dhigga DF ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dagaalka ka dhanka ah Wilaayaatka Islaamiga ah ay ukaashanayaan ciidamada dowladaha Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti.
Dowladda Xasan Sheekh oo ku fashilantay dagaalkii ay ku iclaamisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa qirtay in ay ugacan haatisatay ciidamada dowladaha safka hore oo loola jeedo Kenya iyo Itoobiya kuwaasi oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.
“Shirka wasiirrada difaaca iyo taliyaasha ciidamada dowladaha safka ah hore ayaa Muqdisho ka furmay waxayna dowladda Soomaaliya Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti ka codsatay in ay kala qeyb qaataan dagaalka lagu dhammeystirayo argagaxisada Al Shabaab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda G/dhigga.
Kumanaan kun oo katirsan ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa duullaan gardarro ah ku jooga Soomaaliya waxaana sii dheer ciidamo kale oo ka socda dalalka Burundi iyo Yugaandha dhammaantoodna waxay ku fashilmeen in ay wiiqaan awoodda islaamiga ah ee ka talisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.