Dhageyso Dagaalyahankii 4-aad Ee Katirsan Raggii Fuliyay Weerarkii Xarunta G/Banaadir.
Idaacadda ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab ee Andalus ayaa baahisay dardaaranka Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) oo kamid ahaa dagaalyahanadii fuliyay weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Dagaalyahankan oo ka dhashay beesha Gaaljecel ayaa dardaaran dhaxalgal ah uga tegay umadda Muslinka ah, beesha uu ka soo jeedo iyo eheladiisa
Warbaahinta Andalus ayaa horey u baahisay dardaaranada 2 dagaalyahan oo kasoo kala jeeda Qabaa’iada Abgaal iyo Saleemaan, iyo Subeyr Al-muhaajir oo isna kasoo jeeda dalka Kenya.
Cabdi Qani ayaana noqday dagaalyahankii 4-aad ee kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir.