Dhageyso Inqimaasi Kamid Ah Raggii Weeraray Xaruntii Macawisleyda Ee Muqdisho.

Idaacadda Islaamiga ah ee Al-Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay dardaaran dhaxalgal ah uu ka tegay Mujaahid kamid ahaa raggii fuliyay duullaankii Inqimaasiga ahaa ee dhawaan lagu qaaday xaruntii lagu dabiibayay dhaawacyada Macawisleyda ee degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho.

Isxaaq Aadan Ibraahim (Jaamac) oo tan iyo 2006-dii ka mid ahaa Mujaadihiinta ayaa marka hore ka warbixiyay halka ay duulaanka ku yihiin, wuxuuna si cad u sheegay in isaga iyo ragga la socdaba ay weerar ku yihiin xaruntii qorsoodiga ahayd ee lagu baxnaaninayay maleeshiyaadka ku soo dhaawacmay howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Isxaaq oo sanadkii 1992-dii ku dhashay degaan hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa dardaarano dhaxalgal ah ku jeediyay ehelkiisa, qabiilkiisa, Majaahidiinta iyo dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu fariin adag ugu u diray madaxda iyo ciidanka DF ee uu ugu horeeyo Xasan Gurguurte, isagoo u diray dhanbaal toobadkeen ah.

Inqimaasi Isxaaq ayaa dhanka kale dardaarankiisa kula hadalay wadaadada u fadwooda dowladda Federalka iyo shisheeyaha kala jinsiyadaha duwan ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya

Halkaan ka dhageyso dardaaranka oo dhameystiran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.