Faahfaahin: 45 Askari oo DF Looga Dilay Dagaalka Ceelbacad.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar culus oo ay shalay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruunirgood ee wilaayada Sh/dhexe.

Dagaalku wuxuu dhacay xilli duhur ah iyadoo degaanka dhowr jiho looga yimid, ciidamadii DF oo u badnaa kuwa koofiyo casta loo yaqaano ee ilaaliya madaxtooyada ayaa u qeybsamay dhimasho iyo wax carara.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta looga dilay 45 askari, iyadoo agabyo milatari oo uu hub kamid yahayna laga soo furtay. Xarakada Al-Shabaab ayaa xaqiijisay khasaaraha iyadoo mar walba looga bartay iney sheegashadooda sii raaciyaan sawirro caddeymo u ah.

Waxa uu weerarkan kusoo aaday iyadoo uu qalqal xooggan heysto ciidamada dowladda ee jooga degaanada qaar ee Sh/dhexe, kadib markii todobaadyo ka hor lagala wareegay saldhigyo lagana burburiyay xeryo ay kamid ahayd tii Xawaadley.

 

You might also like
1 Comment
  1. Abu mohamed says

    Inta culumo suu iyo sandaqo subag un doonaysa
    Saliibkaba garaar ugu yihiin siiba tawxiidka
    Saldanana u qaba gaaladoo sir lagu yiraahdo
    Sawir beena saxarada kufriyey daba saqlayn teeda
    Saliibaga xariga ahe carada suraya calan kiisa
    Khawaariij sifeediyo dulmiga saanacad daba jooga
    Salaadiin ridawdiyo mushrika same kagoob kooda
    Waa wada fansalakh saaqidoo sayray diin kiiye
    Sakaraadka halugu dhibo kuwanu sumcad madhawr taane

Leave A Reply

Your email address will not be published.