Faahfaahin: Duqeyn Saaka Lagu Weeraray Sabiid & Wararka Kale.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ciidanka DF iyo kuwa maamul goboleedyada lagu gaarsiiyay howlgallo ay saacadiihii la soo dhaafay Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gobollada Mudug, Banaadir, Sh/hoose, J/hoose iyo Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgaladaan oo isugu jiray duqeyn, qaraxyo iyo weerar toos ah ayay Mujaahidiintu ku beegsadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla magaalooyinka Muqdisho, Xarardheere iyo Diinsoor iyo degaanada Sabiid iyo Baar Sanguuni.

Weerarka ugu khasaarada badanaa ayaa ah duqeyn culus oo saaka lagu garaacay xerada ciidanka DF ee degaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose, waxaana tiro gantaallo ah oo gudaha u galay xerada ku dhaawacmay ugu yaraan 4 askari halka gaari Qooqan ahna uu ku gubtay.

Halkaan Ka Dhageyso Howlgallada Shabaabul Mujaahidiin Oo Faahfaahsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.