Faahfaahin: Kamiin Khasaare Badan Lagu Gaarsiiyay Kenya Oo Ka Dhacay Laamuu.
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha Kenya lagu gaarsiiyay weerar kamiin ah oo maalmo ka hor lagula beegsaday gobolka xeebeedka Laamuu.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabba-gal ah u dhigay kolonyo Kenyaaati ah oo ku socdaalaysay inta u dhaxeysa degaanada Ijaara iyo Boday ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta naf iyo maal intaba.
Sida ay xaqiijiyeen ilo mas’uul ugu yaraan 18 isugu jira askar iyo shaqaalo u shaqeynayay dowlada Kenya ayaa lagu dilay kamiinka, halka lagu gubay 9 gaari oo isugu jirtay noocyada kala duwan ee gaadiidka.
Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala gudaha Kenya ayaa kordhiyay weerarada kala duwan ee lagu beegsanayo askarta Kenya iyo shaqaaaha halkaas ka wada mashaariicda lagu boobayo hantida iyo dhulka dadka Muslimiinta ay Kenya xooga ku haysato.