Faahfaahin: Khasaare Ka Dhashay Dhulgariirkii Xalay Ku Dhuftay Koonfurta Turkiga.

Tiro dad ah ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen laba dhulgariir oo mar kale ka dhacay gobalka Hatay ee koonfurta dalka Türkiga, una dhow xuduud beenaadka dalka Suuriya.

Hay’adda AFAD ee Turkiga u qaabilsan maaraynta masiibooyinka iyo xaaladaha degdega ayaa sheegtay in dhulgariiradan cusub oo cabirkooda lagu qiyaasay 6.4 iyo 5.6 ay ku dhufteen degmooyinka Defne iyo  Samandağ ee gobolkaasi

Wasaarada caafimaadka Türkiga ayaa xaqiijiyay in musiibadan cusub ay ku dhinteen 3 qof halka ay ku dhaawacmeen 294 oo 18 kamid ah ay qabaan dhaawacyo culus.

Sidoo kale dhulgariirka ayaa geytay burbur xooggan oo soo gaaray boqolaal dhismayaal ah oo ku yaallay meelo ka fog aaga uu ka dhacay.

Dhulgariirkaan oo ahaa mid xooggan islamarkaana sameyntiisa laga dareemay wadamada Suuriya, Lubnaan, Falastiin, Ciraaq iyo qeybo kamid ah wadanka Masar ayaa sdoo kale dhanka Suuriya wuxuu ka geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Gudaga gurmadka Suuriya ayaa dhankooda xaqiijiyay dhismashada 4 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 500 oo kale iyo burburka tobanaan dhismaaal ah, khasaraha ugu badan ayaana ka dhacay gobolada dhaca waqooyiga Suuriya ee xadka la leh Turkiga.

Musiibadan cusub ayaa timid xili wali ay taagantahay sameyntii ka dhalatay dhulgariiradii Turkiga ka dhacay 6-dii bishaan, iyadoona tirada guud ee dhismashada Turkiga iyo Suuriya ay kor u dhaaftay 41 kun oo ruux halka dhaawucuna uu ka badan yahay 100 kun oo kale

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.