Gudoomiye Lagu Dilay Weerar Qorsheysan oo Ka Dhacay Muqdisho.
Hawlgal gaar ah oo ay maanta barqadii fuliyeen ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu khaarajiyay xubin firfircoon oo ka tirsan DF.
Hawlgalkan oo ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu khaarajiyay mid kamid ah gudoomiye waaxeedyada degmada.
Mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Olol, lagana garanayay inta badan degmada ayaa caan ku ahaa la dagaalanka dadka shacaa’irtu ka muuqato sida ay xogaha sheegayaan.
Rag hubeysan ayaa si bareer ah u toogtay iyagoo ku dhuftay dhowr xabbadood, waxaana dilkiisa kadib goobta soo gaaray ciidamo uu qalqal badan ka muuqdo.
Dadka ka agdhow halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in meydka gudoomiyaha loo qaaday dhanka CID si loo baaro tirada xabadaha ku dhacay iyo halka ay ka haleeleen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu sii kordhaya weerarada sida gaarka ah loogu beegsanayo xubnaha kala duwan ee DF.