Howlgal Lagu Dhaawacay Nin Doroogada Ka Ganacsada Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.

Howlgal cusub oo ciidamada Xarakada Al-Shabaab goordhow ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho aya lagu beegsaday mid kamid ah ragga ka ganacsada daroogada.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ayaa lagu dhaawacay nin lagu magacaabo Wayaamo ee daroogada soo galiya magaalada Muqdisho.

Ninkaan la dhaawacay ayaa magaalada Muqdisho soo gelin jiray maandooriyaasha kala ah daroogada, Xashiishka iyo Taabuuga. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada lagu baacsanayo daroogada iyo dadka ka ganacsada.

Maanta ayay aheyd markii qaraxyo lagu burburiyay bakhaar weyn oo lagu keydin jiray mukhaadaraadka nuucyadiisa kala duwan sida Xashiish-ka, Khamriga iyo Taabuuga, kaas oo ku yallay degaanka Lafoole oo dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muaqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.