Howlgallo Xalay Ka Dhacay Gobollada Banaadir Iyo Sh/Hoose (Dhageyso).
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay howlgallo isugu jira kuwa qorshaysan, qarax iyo weerar toos ah waxey ka fuliyeen degmooyin katirsan gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayay xalay Mujaahidiintu ka fuliyeen weerar qorshaysan oo dhaaawac halis lagu gaarsiiyay askari ka tirsan ciidanka DF oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mahad.
Sidoo kale Ciidamada Al-Shabaab ayaa xalay weerar qarax ah la beegsaday fariisin ciidan oo ku yaalla xaafada Faanoole ee degmada Kaaraan, Isla xalay militeriga Al-Shabaab waxey weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka DF ee xaafada Neeshinka ee degmada Jannaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Halkaan Ka Dhageyso Faahfaahinta howlgallada Banaadir & Sh/hoose.