In Kabadan 70 Macawislay Ah Oo Lagu Dilay Howgalkii Muqdisho (Bayaan).
Warsaxaafadeed ka soo baxay Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu faahfaahiyay howlgal gaar ah oo dagaalyahanadooda ay ku qaadeen xarun ku taalla degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay in howgalka lagu beegsaday xarun qarsoodi ah oo lagu dabiibayay maleeshiyaad Macawisley ah oo ku soo dhaawacmay dagaalo ka dhacay gobolka Hiiraan.
Sida lagu xaqiijiyay Warsaxaafadeed inta badan 70 Macawisley ah oo ay saraakiil ku jiraan ayaa lagu dilay weerarka oo lagu qaaday xarunta ugu weyn ee la keenay maleeshiyaadka ku soo dhaawacay dagaalo ay Al-Shabaab kula gobolka Hiiraan.