Khasaare DF Xalay Lagu Gaarsiiyay Qaraxyo Ka Dhacay Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Guutada qaraxyada Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weeraro qaraxyo ah ka fuliysay magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho iyo degaanka Bariire ee kawada tirsan gobollada Banaadir Shabeelooyinka, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen saraakiil iyo askar katirsan DF.

Qaraxa ugu khasaarada badan ayaa xalay lagu weeraray hooy ay magaalada Jowhar ka deganyihiin saraakiil iyo ciidan katirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 3 askari halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.

Sidoo kale xalay Mujaahidiintu waxay xalay qaraxyo ku weerareen fariismayaal ay ciidanka DF ku leeyihiin agagaarka eelaboorka Muqdisho iyo agagaarka xerada Sarkuusta ee u dhow Isgoyska Ex-contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Isla xalay ugu yaraan 2 askari ayaa lagu dhaawacay qarax lala beegsaday ciidamo ku sugnaa degaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose.

Howlgaladan qaraxyada ah ayaa ku soo beegmay xili xalay ciidamada gaar ee Xarakada Al-Shabaab ay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo qorshaysan oo dhegta dhiiga loogu daray laba sarkaal oo la shaqeynayay CIA-da Mareykanka kuwaas oo War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Xarakada lagu sheegay in in muddo ah lagu raad joogay balse xalay la waafajiyay waajidkii ay mudnaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.