Khasaarihii Weerardii Degmada C/casiis Oo Sii Kordhay.

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii dhawaan lagu qaaday xaruntii maleeshiyaatka Macawisleyda ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay Warsaxaafeed maanta kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab.

Warsaxaafeedka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa lagu xaqiijiyay in tirada dhimashada Macawisleyda ay gaaray 79 isugu jira horjoogeyaal, saraakiil iyo maleeshiyaat kale.

Maalin ka hor ayay aheyd markii howlgal dhaawac tir ah oo lagu daahfuray qaraxyo culus islamarkaana uu xigay dagaal toos lagu beegsaday guri ku yaalla goob si weyn loo ilaaliyo oo taalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, halkaas oo aheyd xarun daahsoon oo lagu dawaynayay maleeshiyaat Macawisley ah oo ku soo dhaawacmay dagaallo bariga Hiiraan ay kula galeen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.