Ku Dhawaad 30 Askari Oo Dhamasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Mudug.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaallo culus oo maanta ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa DF ku dhex maray degaanka Daanyaale ee 13 km u jira magaalada Wisil ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaaladaan oo in ka badan 6 jeer lagu jebiyay ciidamada DF ayaa waxaa lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo fara badan.
Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya dagaalladaas ayaa sheegaya in 10 askari oo ay 2 sarkaal ku jiraan lagu dilay halka lagu dhaawacay 18 kale.