Ku Dhawaad 70 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Culus Oo Maanta Ka Dhacay Goballada Mudug & Hiiraan.
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaallo culus oo maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab & kuwa DF ku dhex maray qeybo kamid ah goballada Mudug iyo Hiiraan, kuwaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad 70 askari.
Haddaan ku horeyno gobalka Mudug, Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dhowr mar dagaallo ka dhacay degaanka Qeycad waxay haziimo culus dhabarka ugu saariyeen ciidamada DF, iyagoona ka dilay askar badan kuwa kalena ka dhaawacay.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalladaan lagu dilay 13 askari oo katirsan ciidanka DF, islamarkaana lagu dhaawacay 21 kale.
Ciidamadaan ayaa doonayay iney gudaha usoo galaan degaanka Qeycad, balse waxaa dagaal culus kala hortagy Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo sababtay in la dilo islamarkaana laga dhaawaco ku dhawaad 30 Askari.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Mujaahidiinta ay dagaalladaan kusoo furteen qoryaha fudfudud oo ay ka carareen ciidamada DF ee lagu jabiyay dagaalka ay soo qaadeen.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa ku waramaya, in maanta ay halkaasi ka dhaceen dagaallo xooggan oo iyana khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada DF.
Dagaalladaan oo ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayay Mujaahidiintu ku dileen 7 askari oo ay saraakiil ku jiraan, waxaana lagu dhaawacay 25 kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dardar gelisay weerarada nowciga ah ee ay ku beegsanayso halbowlayaasha DF, waxaana tallaabooyinkeedan ka dhashay in ay jilbaha dhulka ku dhufsato xamladii dagaal ee ay dhowr bilood ka hor ka billowday gobollada qaar.