Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Uu Xassan Sheekh La Qaatay Madaxda Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya?.
Shir saacado qaatay oo u socday madaxweynaha DF iyo iyo qaar kamid ah hogaamiyahaasha dalalka geeska Afrika ayaa lasoo gabagabeeyay kaasoo aan wax cusub laga soo saarin.
Wuxuu ka dhacay dhisme ku dhow xerada Xalale oo ay aad u ilaaliyaan ciidamada shisheeye. Shirka waxaa gunaanadkiisii laga soo saaray warmurtiyeed aan waxba uga duwanayn kuwii kasoo bixi jiray shirarkii hore ee kan lamidka ahaa, waxaa lagu sheegay in hoggaamiyaasha sedaxda wadan ay Xassan Sheekh ka taageeri doonaan waxa loogu yeeray la dagaalanka “argagixisada”
Madaxda Afrikaanka ee kala ah Abiy Axmed, Ismaaciil Cumar Gelle iyo William Ruto waxay hadallo niyad dhis ah u jeediyeen Xassan Sheekh iyagoo ku ammaanay sida uu isugu kallifayo inuu la dagaalamo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Abiy Axmed ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha kadib waxaa la dajiyay hotel dacalka ku haya kaasi oo ay waardiye ka qabteen ciidamo Mareykan iyo Afrikaan isugu jira. Qoraalka laga soo saaray shirka ayaa lagu yiri: “Shir-madaxeedka waxa uu soo dhaweeyay aragtida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in diiradda la saaro ka adkaanta argagixisada iyadoo loo marayo hab ciidan, dhaqaale, iyo fikrado”
Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo DF ka taageera dhinaca ciidamada ayaa doonaya iney ka taageeraan dhanka fakarka, ma culimo ayay dalalkooda kasoo diri doonaan, ma warbaahin ayay wadanka keeni doonaan oo dadka ku qancisa iney iyaga saxan yihiin mujaahidiintuna khaldan yihiin, lama caddeyn qaabka ay fakarka uga gacan siinayaan.
Soomaaliya waxaa jooga kumannaan ka tirsan ciidamada Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, mana soo kordhin karaan wax cusub oo aan ka ahayn in uu sii bato khasaarahooda sida uu sheegay Col Cabdulqaadir Axmad Nuur oo kamid ah saraakiishii hore ee wadanka.
Shirkan ayaa kusoo aaday iyadoo DF ay ku fashilantay dagaalka kadib markii ay ciidamadeedu ku baaheen dhul aysan gacan ku hayntiisa sii xajisan karin, afartii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Xassan Sheekh qeylo dhaan usoo dirayay saraakiisha hogaamineysa ciidamadii ay diyaaradaha Mareykanka galbiska ku geeyeen Xarardheere kuwaasoo sheegayay iney dib u laabanayaan haddaan ciidan kale lagu soo xoojin, lama hayo ciidan lagu kaabo, sidaa darteed wuxuu Xassan Sheekh ama ku bixiyay in ciidamada Baladxaawo jooga lasoo raro lana geeyo halkaas.
Arrintan waxaa ku mucaaradsan saraakiisha Gedo joogta oo ka baqaya iney beylah u noqdaan milatariga Xarakada Al-Shabaab ee gobolka Gedo, Xassan Sheekh ayaa madaxda Afrikaanka ah ka baryay iney ciidamadooda meelaha qaar kala dhaqdhaqaaqaan kuwiisa, waxaana xog hoose ay sheegeysaa inuu aadi doono dalalkaas oo heshiisyo laga soo saxiixan doono. Sidoo kale waxaa aad u goosanaya ciidamada Eratariya lagu soo tababaray iyo xataa kuwii horey uga tirsanaa DF.