Maxaa U Sabab Ah Firxadk Ciidanka DF? (Warbixin)
Mudada sagaalka bilood ah ee uu Xassan Sheekh fadhiyo madaxtooyada Muqdisho, waxaa DF ka dhintay ciidan aan ka dhiman shantii sano ee uu Farmaajo madaxweynaha ahaa iyo afartii ka horreysay ee uu Xassan madaxweynaha ahaa.
Ciidamada DF ayaa galay tijaabadii ugu horreysay oo ah iney Al-Shabaab la dagaalamaan iyadoo aaney la socon ciidamada Afrikaanka ah balse helaya taageero dhanka diyaaradaha Mareykanka iyo Turkida ah.
Dagaalada oo si laablac ah lagu galay mararka qaarna la degaameynayay ayaa sababay iney ku baaba’aan ciidamada dowladda, dagaalkii Galcad oo kale waxaa dowladda looga dilay 159 askari, halka weerarkii Xawaadley oo ka horreeyay looga dilay 63 uu kamid ahaa taliyihii guutada 3-aad Gaashaanle Shataqey.
Askartu dowladda uma soo galin iney dhintaan balse waxay ugu biireen iney mushaar iyo qayilaadooda ka helaan iyagoo Muqdisho iska baashaalaya, hase ahaatee waxaa ciidanka la geliyay marxalad aysan horey u suuraysan, waxay arkeen saaxiibadood oo dhimanaya, qaxarka uu dagaalku leeyahay iyo duruufaha adag ee heysta, waana taas midda keentay iney isaga baxaan dowladda.
Ciidamo badan ayaa ka baxay Gorgor, Danab iyo milatariga kuwaasoo aad u tahriibaya, waxa kale oo qulqulkooda laga dareemayaa dhanka Al-Shabaab, Arbacadii shalay waxay soo bandhigeen Gaari Hartob ah iyo 4 askari oo kasoo goosatay dhanka Kismaayo.
Sidoo kale waxaa si joogto ah isugu dhiibaya ciidamo kamid ah kuwa lagu soo tababaray dalka Eratariya, inta la ogyahay waxay todobaadkan soo bandhigeen ugu yaraan 3 askari iyo hub. Askarta ayaa waxaa loo lacageynayaa hubka iyo gaadiidka ay lasoo goostaan.
Sababta firxadka ciidamada Eratariya laga keenay waxaa qeyb ka ah iyagoo la kulmaya gumeysi, markii hore ee la kaxaynayay waa la siray oo waxaa loo sheegay in shaqo waardiye ah laga siinayo dalka Qadar kadib waxaa loo diray Eratariya, muddo 5 sano ah ayay halkaasi ku rafaadsanaayeen, qaar ayaa la dilay, kuwa ayaa dhabarka ka jabay oo buuraha kasoo dhacay halka qaar kale ay waasheen.
Markii in iyaga kamid ah Muqdisho la keenay waxaa loo diiday iney waalidkood soo arkaan marka laga reebo rag taliyaal ah oo qabiil ahaan loo xushay oo la siiyay iney muddo 5 maalmood ah waalidkooda kusoo booqdaan.
Isbitaalada Muqdisho waxaa jiifa ciidamo kuwa Eratariya laga keenay ah oo la dhaacay xilli ay ka baxsanayeen xerada Gorden ee Muqdisho, maalin walba waxaa baxsada tobannaan, kuwaasoo suuqooda gala. Kulan oo dhawaan Xassan Sheekh la qaatay qaar kamid ah waalidiinta ay wiilashoodu weli maqan yihiin ayaa waxa uu ku caddeeyay in askarta maqan ay sii maqnaan doonaan muddo 2 sannadood ah sida ay sheegeen waalidiinta.
Dhallinyarada kasoo goosatay DF oo Eratariya laga keenay oo qaan qaarkood wareysanay ayaa sheegay in ay qaadan waayeen in la yiraahdo la dagaalama dad Soomaali ah idinkoo gacan siinaya dad aan muslimiin ahayn sida Itoobiya, haddii ay dhimanayaanna ay u kheyr roon tahay in ay geeriyoodaan iyagoo kasoo horjeeda ciidamada shisheeye ee aan Alle aqoon.
Durbadiiba waxaa muuqanaya in DF ay ka niyad jabeyso ciidanka dalkaasi laga keenay, waxayna billowday iney uruurin iyo qafaal ku qaado kuwa hor leh oo ay u direyso dalalka Masar, Itoobiya iyo Uganda. Askar marar badan oo hore lagu soo layliyay dalalkaas ayaan maanta waxba laga heyn kuwaasoo noqday qaar dhintay, kuwa naafoobay, qaar Al-Shabaab ku biiray iyo kuwa kale oo dalka isaga tahriibay.
Hadda dowladda waxaa heysta culeys dhanka ciidanka ah, askartii tagtay Sh/dhexe iyo qeybo kamid ah Mudug, waxay ka baxeen qaar kamida h degaanadii ay diyaaraduhu galbiska ku geeyeen, kuwa harsanna ma hayaan awood iyo niyad ay kusii joogaan. Si uu arrintaas u dabaqabto wuxuu Xassan Sheekh amar ku bixiyay in ciidamada DF ee Gedo jooga la geeyo furimaha ay cabashooyinku kasoo yeerayaan, waxaase arrintan mucaaraday xildhibaano uu kamid yahay Kulane Jiis oo aaminsan in ciidamada dowladdu aaney degaan gaar ah kaligii u dhimayn.