Mid Kamid Ah Madaxyaweynta Daroogada Soo Galisa Muqdisho Oo Lagu Daah Furay Holwgalladii Ay Al-Shabaab Ballanqaaday.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Cabdi qaadir Carab oo ahaa mid kamid ah dadka ugu waaweyn ee daroogada soo geliya magaalada.

Ninkaan ayaa wuxuu lahaa goob uu ku kaydiyo daroodaga gaar ahaan noocyada xashiishka iyo calaqa.

Mujaahidiinta ayaa xilligii ay dilayeen ninkaan wuxuu ku sugnaa goobta uu daroogada ku iibiyo oo ku taalla deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka mahaalad Muqdisho, waxaana dadka ugu badan ee daroogada ka iibsada ay ahaayeen mooriyaanta, ciyaal weerada iyo dadka loo yaqaano cabtooyda.

Dhawaan ayay aheyd markii Xarakada Mujaahiidinta Al-Shabaab ay ku goodisay iney beegsan doonto dadka dhibaatooyinka xad dhaafka ah ka wado Muqdisho oo ay kamid yihiin milkiilayaasha goobo sinada u furan oo hoteello iyo guryo isugu jira, daroogo xad dhaaf ah, tuugo dhac u geysanaya bulshada iyo ciyaal weero.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.