Qarax Khasaare Geystay Oo Lala Eegtay Sarkaal DF Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho.
khasaare isugu jita dhimasho iyo dhaawac ayaa dhashay qarax xooggan oo maanta lala beegsaday gaari uu waday sarkaal katirsan ciidamada DF Soomaaliya. kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Hodan ayaa ku waramaya in agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad qarax culus lagula eegtay gaari nuuca Cabdibilaha ah oo ay saarnaayeen ilaalada Sargaal lagu magacaabo Korneyl Maxamad Daahir Cabdi oo ah taliya Xero Gaadiid ee magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo qaraxaasi ayaa xaqiijinaya in uu ka badbaaday sarkaalka balse ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen 8 askari oo katirsan ilaaladiisa gaarka ah.
Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku naf waayay 5 askari halka dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen 3 askari oo kale, waxaana halkaasi ku bur-buray gaarigii uu haleelay qaruxu.
Xarkada Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaan lagu bartilmaameedsaday sarkaalka, wuxuuna ku soo aadayaa xili Shabaabul Mujaahidiin ay kordhiyeen howgalladooda ka dhanka ah saraakiisha DF, Shalay ayayna aheyd markii qarax ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mas’uul ka tirsan wasaaradda isgaarsiiinta DF oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Siciid.