Qaraxyo Lagu Dilay Askar Ka Tirsan DF Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Afgooye.

Guutada qaraxyada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa 2 qarax oo khasaare nafeed lagu gaarsiiyay ciidanka DF Soomaaliya waxay ka fulisay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow qarax la beegsaday goob ay ciidamo katirsan kuwa DF ku qayilayeen oo ku taalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi ku naf waayay 3 askari, halka 4 kale ay ku noqdeen dhaawacyo garaab ah.

Sidoo kale qarax labaad oo caawa ka dhacay gudaha degmada Afgooye ayay ciidamada Al-Shabaab la eegteen askar katirsan DF oo halkaasi ku sugnaa

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa Afgooye lagu khaarijiyay ugu yaraan 1 askari mid kalena waa lagu dhaawacay

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.