Sare Ukacay Ku Yimid Khasaarihii Musiibadii Ku Dhufatay Turkiga & Suuriya.

Tirada khasaarihii nafeed ee musiibadii maanta ka dhacday wadamada Turkiga iyo Suuriya ayaa sare u kacday, iyadoona wadarta guud ee dhimashu ay gaartay 1452 ruux, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 12 kun oo qof.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in dhimashada ilaa iyo haatan la diiwaan geliyay ay gaartay 1,541 qof, halka dhaawacuna uu marayo 9,733 ruux.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in tan iyo saakay 145 dhulgariirka oo dhuftay gobollada koonfureed ee dalkaasi ay sababeen khasaare baaxadleh oo hantiyadeed, waxaana ku burburay 3471 dhismayaal ah iyo kumanaan kaabayaasha adeega bulshada ah.

Dhanka Suuriya tirakoodkii u dambeeyay ee uu sameeyay guddiga difaaca madaniga ayaa lagu sheegay in wadarta guud tirada dadkii ku dhintay dhulgariirka ay gaartay 911 qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad ka badan 3-kun oo kale.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in boqoollal ruux wali la’layahay taas oo ka dhigan in xili kaste la filan karo in uu sii kordho xaddiga khasaare. Dad la’layahay ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin burburka dhismayaasha hoostooda, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo lagu soo samatabixinayo dadkaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.