Sarkaal Ka Tirsanaa NISA Oo Magaalada Muqdisho Lagu Khaarijiyay.
Ciidamada gaarka ah ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku toogtay sarkaal katirsanaa ciidanka DF gaar ahaan kuwa sirdoonka.
Howlgal qorshaysan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-contarool Afgooye ayay Mujaahidiintu ku khaarijiyeen Xasan Jiis oo ahaa sarkaal ka tirsanaa hay’adda NISA ee sirdoonka DF.
Sarkaalka la dilay wuxuu si gaar ah kaga howlgali jiray xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho halkaasi uu ku tacdiiibin jiray dadka Muslimiinta ah ee lagu soo qabto howlgalada raafka ah gaar ahaan kuwa ay ka muuqato Sunnada.
Werar-kan khaarijinta ah ayaa imaanaya xili howlgal saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.lagu dilay Shariif Abuukar Shariif Ibraahim oo ahaa mas’uul ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka ee dowladda Federalka.