Taliyihii Guutada 28-aad Ee DF Oo Saaka Lagu Khaarijiyay Gobolka Gedo.
Howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay gobolka Gedo ee koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya magaalada Beled-Xaawo ayaa ku waramaya in rag katirsan katirsan Shabaabul Mujaahidiin ay saaka gudaha degmadaasi ka fuliyeen howlgal fariid ah oo lagu khaarijiyay Taliyihii Guutada 28-aad ee ciidamada DF.
Taliyaha la dilay oo la oran jiray Maxamed Aweys ayaa waayihii dambe ku howlanaa abaabulka maleeshiyaat loo diyaarinayay in ay weeraro ku qadaan degaanada ay ka taliyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab islamarkaana lagu dhaqo shareecada Islaamka.
Madaxda iyo Siyaasiyiinta DF ayaa baraha Internet-ka soo dhigaya tacsi iyo baroor ku aadan sarkaalkaan sare ee saaka laga khaariyay.