The Guardian: “Xassan Sheekh Madaxweynaha Ugu Khatarta Badan Dunida Uguna Walwalka Badan” (Warbixin)
Halisaha uu La Kilmay Xassan iyo Nooca Dowladdiisa
Wargeyska The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa warbixin dheer ka qoray sheeko 72 saacadood qaadatay oo uu Xassan Sheekh kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho kadib markii sida ay sheegeen ay ku yimaadeen socdaal qarsoodi ah oo aaney cidina ogeyn marka laga reebo qoslaaye oo ay ku naaneeseen madaxweynaha iyo shaqsiyaad gacan yarayaashiisa kamid ah. “Waddada ka soo baxda garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ilaa guriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waa in ay kugu qaadato ku dhawaad 15 daqiiqo. Dhawrkii boqol oo mitirba waxa yaalla jid-gooyo booliis. Qofna laguma deynayo nasiib, haddana qaraxyada dilaaga ah waa wax iska caadi ah” ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxay xustay in kormeerayaasheedu markii ay garoonka kasoo dageen ay soo raaceen gaari gaari Hilux ah oo aaney xabadu karin islamarkaana uu waardiyeynayo gaari kale oo Jeep ah oo ay saarnaayeen todobo askari iyo qoriga dhashiikaha ah, waxay cagta soo dhigeen waddo gidaarada hareeraheeda ka muuqda la dhigay jawaano ay ciid ka buuxdo islamarkaana silig lagu wareejiyay, waana madaxtooyada iyo nawaaxigeeda. Xassan Sheekh oo socdaalkooda la socda ayaa isku sii diyaariayay, markii ay galeen hoyga uu deggan yahay waxay arkeen ciidan aan dhoollacadeeneyn oo ilaalo ka haya isaguna wuxuu ku fadhiyo kursi alxaax ka sameysan.
Halisaha uu La Kilmay Xassan iyo Nooca Dowladdiisa
“Inaad noqoto madaxweynaha Soomaaliya – waddan magaciisa si weyn loo isticmaalo, oo lagu tilmaamo dawlad guul-darraystay – waxay u ekaan kartaa shaqo aan la mahadin oo gaar ah” ayay tiri warbixintu, iyadoo intaa ku dartay in Xassan uu uu galay khataro badan oo naftiisa ah, uuna ka badbaaday isku dayo dhowr ah oo la doonayay in lagu dilo. Tusaalooyinka waxaa kamid ah weerar doorashadiisii hore ku qabsaday hotelka Jazeera oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xilli uu la joogay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya.
Dhacdo kale, oo taas ka halis badan, waxay ahayd bey yiraahdeen, weerar ay Madaxtooyada ka geysatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ah jamaacada ugu hawlgallada badan Alqaacida kana talisa inta badan dalka Soomaaliya, weerarkaas ayaa lagu billaabay qarax lagu burburiyay afaafka .hore ee Villa Soomaaliya kadibna dagaalyahandu waxay gaareen meel 100 mitir u jirta madaxweynaha, waa weerarkii Villa Ros, goortaasoo madaxweynaha loola cararay dhanka xerada Xalane.
Wareysiga waxaa ka muuqanaya calaacal badan oo ay ka duubeen Xassan Sheekh, wuxuuna u muuqdaa mid uu ku doonayo iuu ku beerlaxawsado dowladaha reergalbeedka oo gacanta ku haya maamulkiisa, haddey ahaan lahayd dhaqaalaha, milatariga, siyaasadda iyo qaanuunka lagu dhaqmo. Wuxuu sheegay in Mujaahidiintu ay beegsadeen xarunta wasaaradda waxbarasahda, weerarkaasoo uu ka badbaaday madaxa wasaaradda, saaxiibkiis Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo lagu tilmaamo inuu kamid yahay milkiilayaasha dowladda.
Wuxuu ku dooday in weerarkaas uu ahaa mid ah Mujaahidiintu uga jawaabayeen dagaalada uu qaaday, wargeysku wuxuu sheegayaa in guulaha uu sheegtay Xassan ay yihiin kuwo jilicsan, Soomaaliyana weli waxa ay wajaheysaa caqabado kala duwan oo aad u adag – waxaa lagu eedeeyay inuusan marnaba ka shaqeeneyn ka hortagga xaalufka degaanka iyo ka hortagga gaajada sii baahaysa.
Taariikh Noocee Ayuu Leeyahay Xassan?
The Guardian ayaa xusay in hogaamiyahan halista ku nool ay da’diisu sii dhaafeyso 67 sano, waxaa u dhaxa laba xaas oo ay midi deggan tahay dalka Turkiga, waxa uu dhalay 20 caruur ah oo uu midkood ugu dhashay dalka dibaddiisa, maxaa yeelay wuxuu ahaa nin ka shaqeysta inta badan Muqdisho, wuxuu kasoo tirsanaa hey’addii CRD ee Mareykanka kana shaqeyn jirtay arrimaha khilaafaadyada iyo qabaa’ilka dhexdooda taasoo sidoo kale cilmi baaris sameyn jirtay si loogu gudbiyo xukuumadda Washington.
Waxaa laga soo xigtay madaxweynahan in hadda ka hor lagu ag dilay nin saaxiibkiis ah isagana uu soo gaaray firirka qaraxii lagu khaarajiyay. Wuxuu sheegay inuu khataro badan la kulmay markii uu la shaqeynayay hey’adaha iyo ururada bulshada rayidka, Waxa uu xasuustaa maalin 1998-kii markii koox maleyshiyo ah ay ugu yeereen inuu galo albaab furan markii uu soo gudbayna uu arkay meydad qolal daadsan, malleyshiyada ayaa sii daayay markii ay isku qabiil noqdeen.
Waxay kasoo xigteen in khatarihii uu usoo joogay ay kamid ahaayeen dagaaladii Itoobiya lagula galay magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney hogaaminayeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, wuxuu yiri: “waxay askarta Itoobiya kula dagaalameen waddooyinka, jid-gooyo ayay u dhigeen, iyagoo meel walba kaga tagay meydad” isagoo xusay in uu kamid ahaa dadkii meydadka Itoobiyaanka soo uruurinayay. Hadalkan ayaa u muuqda mid uu ku beer laxawsanayo xukuumadda Adis-ababa iyo qowmiyadda Tigree oo uu xiriir gaar ah la lahaa mudadii ay xukumayeen Itoobiya.
Villa Soomaaliya Waa Noocee Xilligan?
“Villa Soomaaliya waa astaan ka duwan guryaha dawladaha kale ee caasimadaha Afrika, waxay muujinaysaa haybad yar. Waxaa hareeraha yaal godad xabbado iyo burbur ah. Marka laga reebo dhismaha farshaxanka gumeystihii Talyaaniga ee udub dhexaadka u ah, dhismuhu wuxuu u eg yahay xero milatari. Askarta Uganda ayaa gaaf wareegaya xayndaabkeeda, taasoo maalin walba xasuusinaysa Xassan sida ay dowladdiisa ugu tiirsan tahay shisheeyaha” ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxay sidoo kale ku sifeysay hogaamiyahan inuu yahay nin aad loogu baqayo, meeshu tagana ay khasab tahay in ciidan badan lagu daadiyo oo meelo fogfog laga xiro, waxaa tusaale loo soo qaatay shirkii wadaadada uu u qabtay oo ka dhacayay meel ay safaaradaha ajnabiga ku badan yihiin oo la yiraahdo aagga khadka cagaaran, inuu uu halkaasi u socday waxaa loo xiray wadooyinkii uu marayay, waa isaga qofka maal geliyay wadaadada iyo kulankooda si Al-Shabaab looga soo celiyo magaca islaamka ee ay ku tilmaanan yihiin. Wargeyska oo arrintan kasii hadlaya wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu yahay Islaami qunyar socod ah, oo ah nooca ay rabaan reergalbeedka, wuxuu aaminsan yahay bey yiraahdeen in diintu noqoto xabagta lagu kabo qofka jabay isla markaana aan loo baahnayn in Islaamku noqdo mid rabshado wata oo uu ula jeedo inuu wax iska dhiciyo oo uu Jihaado.
Isaga oo jeedinaya farriintiisa kulanka – oo ah in la joogo waqtigii culumadu ay cambaareyn lahaayeen al-Shabaab, ayaa waxaa muuqanayay in kasoo qeybgalayaasha oo dumar iyo rag isugu jiray ay ku qoslayeen hadalkiisa iyo kaftankiisa (Naanaystiisa waxaa ka mid ah “Qoslaaye”. Warbaahintan reergalbeedka ah ayaa ku ammaantay hoyaamiyaha Villa Soomaaliya inuu yahay nin ficil u badalay dimuqraadiyadda, waxay sheegeen in xilligii doorasahda uu sameeyay abaabul, uuna wadooyinka qaar geeyay rag iyo dumar isaga u heesaya una sacbinaya si loo doorto, music gaadiid lagu rakibay ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha halyeyga looga dhigayo.
Warbixintu waxay si dadban u muujisay inuu yahay nin dhanka qabyaaladda ku dheereeya oo ah Geel-jire hore, waalidiintiisu dhinteen yaraantiisii, kuna koray miyiga, sida laga xigtay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Cali Cumar (Cali Balcad), oo ah saaxiibkii oo heysta dhalashada dalka Mareykanka.
Xassan Oday Daalay
Madaxwaynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad galiya wada sheekeysiga si uu daaqadda uga eego ayuu yiri wargeyska oo intaa raaciyay, saacadihiisu waa kuwo murugo leh maalin iyo usbuuc intaba. Xassan ayaa ka qeyb gali doona daahfurka deked Puntland laga dhisay oo loola jeedo Garacad taasoo ay dhisteen shacabka lana doonayo in Itoobiya loo gacan galiyo.
Xassan Sheekh wuxuu si sax ah uga jawaawaabaa sumadda dalkiisa markii aad su’aalo ka weydiiso waxaana jawaabihiisa kamid ah “Haa, waxaanu nahayn dawlad fashilantay, laakiin hadda waxaa jirta dawlad, si kasta oo ay u liidato, ayuu yiri isagoo saasoo ay tahay ku faanay iney dowladdiisa taageerayaan shisheeye aad u badan.
Ugu dambeyntii wargeyska The Guardian ayaa ka jawaabay su’aalo la isweydiin karo oo ay baahida ku kalliftay iney sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay muddo dhowr goor ah usoo safraan Muqdisho si ay u wareystaan Xassan Sheekh, waxay sheegeen ineysan dano dhaqaale ka lahayn kana mid ahayn milkiilayaasha dowladda, hase ahaatee waxa ay sidaa u sameynayaan ay tahay si ay u dhiira galiyaan mabda’a dimuqraadiyadda, waxaana qoraalkooda kusoo gunaanadeen baaq ku socda dadkooda reergalbeedka kaasoo ah in ay ka gacan siiyaan baahinta dimuqraadiyadda, kley ku tahay in hal-doolar uu qof walba ku caawin karo.
Xassan garguute wuu fashimay rafadhadii ugu dambeysay buu ku jiraa