Tirada Dadkii Ku Dhintay Dhulgariirkii Dalka Turkiga Oo Tira Beeshay.

Waxaa sare u kac xooggan sameeyay khasaarihii nafeed ka dhashay dhulgariirkii laayaanka ahaa ee wadanka Turkiga ku dhuftay subaxnimadii hore ee Isniintii la soo dhaafay.

Xogihii u dambeeyay ee maanta la shaaciyay ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dhulgariirka ay hadda kor udhaafeen illaa 6 kun oo ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 37 kun oo kale, waxaana socda gurmadyo xooggan oo boqollaal ruux lagu soo samatabixiyay.

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee dalka Turkiga ayaa tirakoob ay soo saartay ku xustay in tirada dhimashada ee hadda la diiwaan geliyay ay gaartay 6.234 ruux dhaawacuna uu marayo 31,777 qof.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dhulgariiro hor leh oo cabirkooda lagu qiyaasay 4.8 ay maanta ku dhufteen degaano dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Turkiga, taas oo abuurtay qabsi horleh oo laga qabo in khasaaruhu uu sii kordho.

Dhinaca kale waxaa sii kordhahaya khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac ee dhulgariirkii ku dhuftay dalka Suuriya Guddiga difaaca Madaniga ayaa sheegay in haatan dhimashadu ay gaaray 2,530 halka dhaawucu uu sii caga cageynayso 4654.

Isku geynta wadarta guud ee dhimashada laba dal ayaa hadda mareysa 8 kun 764 ruux halka tirada guud ee dhaawucuna uu gaartay 36 kun 431 qof waxaana daqiiqadba daqiiqada ka dambeyso isi soo taraya wararka ku aadan kororka xaddiga khasaaro.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.